Hopp til hovedinnhold

Bokstart af soomaali

Akhriska iyo waxtarkiisa 
• Ilmaha wax waa loo akhrin karaa da’ walba uu yahay. 
• Looma baahno in aad sugto ilaa inta uu ilmuhu hadalka ka baranayo– akhriska ayaaba hadalka lagu bartaa! 
• Carruurta kuwooda ugu yaryar in wax loo akhriyo waxay keentaa in ay buugaagta jeclaadaan, waxayna kobcisaa hadal-barashadooda. 
• Wax wada-akhrisku wuxuu abuuraa in isku hal wax loo jeesto iyo jawi wanaagsan oo la wada qaato. 
• Xiriir ammaan ah oo xoog leh ayaad wadajir u dhisaysaan. 

 
Marka uu ilmuhu bilood jiro 
Akhrisku ciyaar ahaan ayuu bilaaban karaa! Ilmuhu buugga u dhiib – ha qabtobogagga ha taabto oo horay iyo gadaal ha rogrogoDhulka fadhiiso oo ilmaha la ciyaarSawirrada uga sheekee, farta ku fiiq oo la hadalSidaas ayuu ilmuhu ku bartaa in buugaagtu keenaan isu-soo-dhowaanshofarxad iyo waayaragnimo wadajir loo helo. 

 
Marka uu ilmuhu sano jiro 
Waxaa dhacda in uu ilmuhu sawirrada farta ku fiiqo – waxa aad aragtaan magacooda sheeg oo sheekaystaIn buug la akhriyo macnaheedu ma aha in billowga ilaa dhammaadka la akhriyoee waa in la wada ciyaaro oo la raaco hadba waxa uu ilmuhu doonayo. 

 
Marka uu ilmuhu jiro 1,5 sano 
Ilmuhu wuxuu badanaa jecel yahay buugaag ka hadlaya xaaladaha nolol maalmeedka ama sawirro muujinaya dareenno muuqdaNoqo akhriste buugga xiisaynaya – isticmaal codkaaga iyo in aad dareenkaaga wejiga ku muujisididkana hadal waxyaabaha ilmuhu ka falceliyo. Ha ka cabsan in aad ku celcelisoHal buug ayaa marar badan loo akhrin karaataas oo ilmaha aad uga farxin doonta maaddaama uu mawduuca garanayo. 

 
Marka uu ilmuhu sano jiro 
Hadda waxaad bilaabi kartaan in aad wada akhrisaan buugaag sawirro leh oo gaagaabanSawirrada isla eegaka sheekaysta waxa aad aragtaan oo ilmaha oggolow inuu akhriska ka qaybqaato. Marka uu ilmuhu rugta caafimaadka u tago koontaroolka 2-da sanowaxaa la idin siin doonaa kaar hadiyad ah oo aad ku soo qaadanaysaan buug cusub. 

 
Akhri buugaag ku qoran afka hooyo: 
Afka hooyo oo si fiican loo bartowaxay ilmaha fududaysaa barashada afafka kaleAfka hooyo iyo afka labaad way is taageeraansidaas darteed ayaa waxaa fiican in la akhriyo buugaag labada af ku qoranBuugaag afaf badan ku qoran ayaad maktabadda ka amaahan kartaa. 

 
Qabanqaabooyinka maktabadda ka dhaca 
Boggeenninternetka waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan qabanqaabooyinka loogu talagalay carruurta ay da’doodu dhexayso 0–2 sano: Bibliotekets arrangementer til de minste — Bergen Offentlige Bibliotek